Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Cumar Xaashi oo Shegey in ay Xabada Socondoonto Ilaa ay Kabaxaan Ciidamada Itoobiya
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 06 2008
Cumar Xaashi oo Shegey in ay Xabada Socondoonto Ilaa ay Kabaxaan Ciidamada Itoobiya
Written by Ali Moallim   
Sunday, 06 July 2008

Beledweyne,(insidesomalia.org)- Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Xoghayah Arrimaha Gudaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka ay kala soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

“Xabadda waa ay soconeysaa ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Dalka Soomaaliya” ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku soo duuleen Dalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay waajib tahay in dagaal looga saaro.

Cumar Xaashi Aadan oo u waramayay Idaacadaha Lokalka ah  ee Magaalada Muqdisho waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamada Itoobiya waxba ka khuseynin heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay dhawaan Jibouti ku gaareen dhinacyada Soomaalida.

“Wada hadal iyo xabad joojin waxay u dhaxeysaa Soomaalida, Itoobiyana ma khuseeyaan arrimahaas, waana sii soconayaa dagaalka looga xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in uu ku sugan yahay Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ay heshiiska ku wada saxiixdeen Dalka Jibouti ayaa waxaa sii kordhayay dagaalladii ka socday Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowaldda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >